U bood dhigaalka

Roobka  Deyrta Oo Ka Curtay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Saacadihii la soo dhaafay ayaa roobabka deyrta ah ay ka curteen degaanno kamid ah gobolka Hiiraan ee bartmaha dalkaan Soomaaliya.

Degaannada ay ka billowdeen roobabka deyrta ah ayaa la soo sheegayaa in ay dadka iyo duunyadaba si fiican ugu diirsadeen kuwaasoo muddo la’aa wax roob ah.

Degaannada waqooyi ee gobolka Hiiraan sida degmada Matabaan ayaa ugu badan meelaha ay sida xowliga ah uga da’een roobabka, waxaana sidoo kale roobab ay ka dhasheen daadad laga soo sheegayaa duleedka magaalada Baladweyne.

Degaanno kamid ah gobolka Hiiraan waxaa horey uga jirey abaaro biyo la’aan ah oo saameyay dadka iyo duunyada.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka soo xiganaynaa in dhowr degaan oo Hiiraan ka tirsan 12-kii saac ee la soo dhaafay ay ka curteen roobka xilliga deyrta.

Dhanka kale, waxaa jira degaanno kale oo dadka ay ka cabayaan biyo la’aan kuwaasoo ka tirsan isla gobolka Hiiraan.

Roobka xilliga deyrta ah ee ka billowday Hiiraan ayaa ku soo aadaya iyadoo meelaha qaar ay ka jireen abaaro xun oo xoolaha ay ugu la’anayeen harraad.

Goobjoog News