U bood dhigaalka

Roobka Gu’ga Oo Weli Ka Da’in Deegaanno Ka Tirsan Mudug

Sheeko:Dalka

Inta badan roobka xilliga Gu’ga ayaa ka da’ay deegaanno ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, hase ahaatee deegaanno ka mid ah gobolka Mudug ayaa lasoo sheegayaa in roobkaasi aanu ka da’in welina abaar ay ka jirto.

Deegaannada kala ah Korodhi, Qorilley, Seego, Xinlibi iyo Caad oo dhammaantood ku yaalla bariga gobolka Mudug waxaa xilligaan ka jira abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana halkaasi isaga barakacay dadkii deganaa.

Guddoomiyaha Camaara ee gobolka Mudug Sheekh Yuusuf Salaad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xilligaan ay xaalad daran ka taagan tahay deegaannadaasi, islamarkaana xilligaan ay ahayd waqtiyadii shacabka ay dalagooda beeran jireen.

“Hadda roobku waaba dhammaad, xilligaan dadku waxay ahaan jireen kuwo dalaggooda beerta, reer guuraagii waa ay barakaceen, dadkaan abaar ayaa haysta, biyo kale ma haystaan, ilaahay ayaan weydiisanaynaa in roob inoo keeno” ayuu yiri gudoomiyaha Camaara.

Abshir Xuseen Cabdi oo ku nool miyiga deegaanka Camaar oo qiyaastii 70 Km dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa ka mid ah dadka aan woodda u lahayn in xilligaan ay ka guuraan deegaannada abaarta ka jirta sida ay u baxeen qaar ka mid ah dadka reer Guuraaga ah.

“Xoolo badan ayaa tabcaan naga ah, ma guuri karaan, aroorna ma aadi karaan, xaaladdeena ayaa xitaa liidata, waxaan codsaneynaa in nalaga caawo dhanka biyaha” ayuu yiri Abshir.

Deegannada weli aan roobsan ee gobolka Mudug ayaa u muuqda in sanadkan ay mar kale wajihi doonaan jiilaalka.

Goobjoog News