U bood dhigaalka

Roobka Xilliga Gu’a Oo Ka Curtay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa lagu soo waramayaa inuu ka da’ay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, halkaasi oo ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Wararka laga helayo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo deegaanno kale oo ku dhow degmadaasi ayaa sheegaya in roobka xilliga Gu’a uu halkaasi ka curtay.

Deegaannada roobka uu ka da’ay waxaa kamid ah deegaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere, halkaasi oo bilihii ugu dambeeyey laga soo sheegayey xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Cabdi Nuur Maxamuud oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Dumaaye ayaa u sheegay Goobjoog News, iney dadka iyo duunyadaba ku diirsadeen roobkani.

Waxa uu sheegay in saacado badan uu socdo roobka, meelaha qaarna uu biyo dhigay.

Qaar kamid ah gobollada dalka waxaa ka curtay roobka Gu’a, balse weli waxaa jirta saameynta xooggan ee ay reebtay abaarta, iyadoo dadka gurmad noocyo kala duwan leh ay u baahan yihiin.

Goobjoog News