U bood dhigaalka

Roobka Xilliga Gu’a Oo Ka Curtay Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Roobka Xilliga Gu’a ayaa ka curtay deegaanno kamid ah gobolka Baay, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka jirtey biyo la’aan aad iyo aad u baahsan.

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxa uu roobkani ka da’ay Degmooyinka Buurhakaba, Bardaale iyo dhammaan deegaannada ku teedsan degmooyinkaasi.

Sidoo kale waxaa roob uu ka da’ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo dadka ay ku diirsadeen roobkaasi.

Wariyaheena Warcadde oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in roobka uu biyo dhigay warahii ku yaalla dhammaan deegaannada uu ka da’ay, iyadoo deegaannada qaarna weli roobka uu ka socdo.

Gobolka Baay ayaa kamid ahaa gobollada inta badan ay aadka u saameysay abaarta ka jirta guud ahaan dalka, waxaana dadka ugu darnaa biyo ay cabaan oo aysan haysan markii hore.

Goobjoog News