U bood dhigaalka

Roobka Xilliga Gu’a Oo Ka Da’ay Deegaanno Ka Tirsan Mudug

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu ka da’ay roobka xilliga Gu’a, kaasi oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Wararka ay helayso Goobjoog News, ayaa sheegaya in degmada Hobyo iyo deegaanno kale oo hoostaga degmadaasi uu roobkani ka da’ay.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in deegaannada qaar uu biyo dhigay roobkani, xilli deegaannadan ay biyo la’aan daran ay ka jirtay.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay ka jirto abaarta saameysay dadka iyo duunyada, iyadoo dadku weli yihiin kuwo u baahan gurmad.

Sidan oo kale roobka Gu’a ayaa waxa uu uga da’ay deegaanno kamid ah gobollada dalka, wallow gobollada qaar aanu roobka ka curan.

Goobjoog News