U bood dhigaalka

Roobka Xilliga Gu’a Oo Ka Da’ay Degmada Jalalaqsi Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Roobka xilliga Gu’a islamarkaana ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa lagu soo waramayaa inuu ka da’ay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale deegaannada hoostaga degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cabdulle Fiidoow oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in roobka uu yimid xilli dadka ay u baahnaayeen, islamarkaana uu da’ayo in ka badan 24 saac.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in meelaha qaar uu biyo dhigay roobka, iyadoo meelaha sida xooggan uga da’ayna tahay tuulooyin badan oo hoostaga degmada Jalalaqsi, halkaasi oo markii hore abaar daran ay ka jirtay.

Guddoomiye Fiidow ayaa dhanka kale sheegay in hadda loo baahan yahay in garab xooggan la siiyo beeraleyda gobolka Hiiraan maadaama aysan haysan tabar iyo agab ay beeraha wax uga soo saartaan.

Gobollada dalka inta badan waxaa ka curtay roobka xilliga Gu’a, iyadoo abaar saameysay dadka iyo duunyada ay dalka ka jirtay.

Goobjoog News