U bood dhigaalka

Rooble iyo Madax kale Oo ku Tukaday Meydka Marxuumad Xil.Aamina

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Baladweyne.

Madaxweyne xasan sheekh, Madaxweynihii Dawladii KMG shariif Sheekh Axmed Masuuliyiin kale iyo ehelada marxuumada ayaa alle uweydiiyay naxariis iyo dambi dhaaf.

Xildhibaanad Aamina oo ugeeriyootay qarax xalay lagula eegtay baladweyn ayaa waxa lagu wadaa in meydkeeda lagu aaso magaalada muqdisho.

 

GOOBJOOG NEWS