U bood dhigaalka

Rooble oo Kulan La Qaatay Madaxweyne Xasan Kadib Safarkiisii Imaaraadka

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu warbixiyay  socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas uu kaga qeyb galay tacsida madaxweynihii hore dalka Imaaraad ee geeriyooday  iyo habsami u socodka howlaha Xukuumadda Federalka ah.

Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaas oo 15-kii bisha May 2022 -ka la doortay.

Goobjoog News