U bood dhigaalka

Rooble oo La Kulmay Madaxweynaha Xasan Shiikh

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa madaxweynaha cusub  u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ah ugu horeyso xaaladda Guud ee dalka iyo marxaladda kala guurka ee dalku xiligaan ku jiro.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa xalay waxaa ay u aheyd habeen gaar ah maadaama uu goobjoog ka ahaa halka ay kusoo idlaatay doorashadii loo idmaday inuu dalka kasoo saaro ee labada gole ee Baarlamaanka federalka iyo madaxweynaha 10-aad.

Goobjoog News