U bood dhigaalka

Rooble Oo Qadka Kala Hadlay Wafdiga Soomaaliya Uga Qeyb Galaya Dhageysiga Go’aanka Badda

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la yeeshay guddiga kiiska dacwadda Badda Soomaaliya.

Wafdiga guddigaan oo uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku sugan dalka Holland oo lagu wado in ICJ ay beri ku dhawaaqdo go’aanka kiiska badda.

Ra’iiusl wasaaraha ayaa ku dhiirageliyay guddiga dadaalka ay ugu bixinayaan in ay soo dhiciyaan baddeenna ay muranka gelisay Kenya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Goobjoog News