U bood dhigaalka

Rooble Oo Qatar U Baxay

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar ugu amba baxay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Rooble ayaa casuumaad ka helay amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani, kaas oo ku casuumay dalkiisa.

Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.
Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa sido kale ku soo adaya xilli madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saaka dhankiisa dalka Itoobiya safar ugu baxay.
Goobjoog News