U bood dhigaalka

Roobow Oo Kormeeray Xarumo Ciidan Oo Ku Yaalla Baydhabo

Sheeko:Dalka

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay wuxuu kormeer ku tagay xarumo ciidan oo ku yaalla magaaladaasi.

Roobow ayaa kormeeray saldhiyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ka degan yihiin Baydhabo iyo duleedkeeda.

Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed.

Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan.

Goobjoog News