U bood dhigaalka

Rooxaani: Xiriirka Ka Dhaxeeya Turkiga Iyo Iran Waxaa Uu Qeyb Ka Qaadan Doonaa Xalinta Dhibaatooyinka Bariga Dhexe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani ayaa hoosta ka xaqiiray xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya Turkiga inuu aad u xooganyahay,waxaa uu tilmaamay xiriirka labada wadan inuu qeyb ka qaadan doono sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ku hor gudban bariga dhexe.

Rooxaana ayaa yiri “ xiriirka siyaasadeed midka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Iran waa mid gaaray meel horumarsan,waxaana muhiim ah in la xoojiyo xiriirka milatari ee ka dhaxeeya labadaan dowladood oo lagu tiriyo iney yihiin awoodaha dowladaha Islaamka ah ee ka jira bariga dhexe”.

Dowladaha Turkiga iyo Iran ayaa waxay iska kaa shanayaan dhanka la dagaalanka argigixisada iyo ilaalinta amniga xaduudaha.

Xukuumadda dhexe ee Ciraaq ayaa waxay ku tilmaantay aftida mid aan sharci aheyn iyada oo sheegtay in arintaasi lagu kala qeybinayo Ciraaq.