U bood dhigaalka

Gabeyre Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Rugta Rugaha Ganacasiga Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Doorashada Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Doorasadan waxaa ka qeyb galay ergo ka socotay todobo rug ganacsiyeed oo dalka ka jira, waxaana doorashada ka hor ay ergada meel mariyeen xeerka rugta ganacsiga oo si gacan taag ah ay u ansixiyeen 62 ergo.

Ansixinta kadib waxaa la guda galay doorashada guddoonka rugta ganacsiga waxaana xilkaas isusoo taagay sadex musharax oo kal ah: Maxamuud Cabdikariin Gabeyre, Ibraahim Abuukar Amiir Shaamow iyo Bashiir Maxamad Cilmi.

Wareegii koowaadba waxaa tanaasulay Ibraahim Abuurkar Shaamow oo kamid ahaa sadexda musharax ee xilkan isku soo sharaxay. Waxaana sidaas wareegii labaad ug gudbay labadii musharax ee kale.

Doorashada oo u dhaceysay qaab ganactaaga ah ayaa waxaa wareeggii 2’aad 54 cod helay Maxamuud Cabdikariim Gabeyre halka Bashiir Maxamuud Cilmi uu helay 8 cod oo kaliya. Sidaa darteed waxaa xilka gudoomiyenimo mar labaad ku guuleystay Maxamuud Cabdikariim Gabeyre.

Musharaxa laga guuleystay Md. Bashiir Maxamuud Cilmi oo madasha ka hadlay doorashada kadib ayaa sheegay in uu ku qancay natiijada doorashada, waxa uuna ballan qaaday in uu la shaqeyn doono gudoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha xilka ku guuleystay Md. Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo madasha ka hadlay ayaa isagana ballan qaaday in uu sii wadi doono horumarinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed sidoo kalena uu xiriir wanaagsan la yeelan doono rugaha ganacsi ee kale.

Madaxdii doorashada kasoo qeyb-gashay waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlada Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo madax kale waxaana dhammaantood ay ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan.

Goobjoog Business