U bood dhigaalka

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Oo DFS Ka Dalbatay Badbaadinta Nafta Iyo Hantida Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka dalbatay iney badbaadiso nafta iyo hantida ganacsata Soomaaliyeed.

Xoghayaha rugtan ahna guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ugu horreyn kaga hadlay dil Muqdisho loogu geystay ganacsade Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay ka rug ahaan iney aad uga xunyihiin wiilka dhallinyarada ah ee hammiga lahaa in la dilo iyadoo aanay jirin cid uu wax ka galabsaday.

Sidookale, waxa uu tilmaamay in dowladda mas’uuliyad weyn ka saaran tahay iney la socoto amniga ganacsatada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News