U bood dhigaalka

Ruto oo maxkamadda sare ka dalbaday in ay diido codsiga Raila Odinga.

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dooran ee dalka Kenya William Ruto ayaa maxkamad sare ee dalka ka dalbaday in ay ganafka ku dhufato codsiga dib uga noqoshada natiijada doorashada ee uu u gudbiyay siyaasiga doorashada looga adkaaday ee Raila Odinga.

Ruto ayaa maxakamdda u soo jeediyay in aysan aqbalin codsiga hogaamiyaha xisbiga Azimio La Umoja, kaas oo sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka Kenya looga adkaaday doorashadii dhacday 9-kii bishaan.

Raila Odinga, ayaa looga adkaaday 230,000 cod oo ah in ka yar boqolkiiba laba codadkii la dhiibtay doorashada dalka Kenya ka dhacday bishaan.

Odinga ayaa todobaadkii hore u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka Kenya gaari xamuul ah oo ay ka buuxaan waaraqaha cadeymaha uu sheegay in ay muujinayaan in uu doorashada isaga ku guulaystay.

Shanta bisha soo socota ee September ayaa la filayaa in ay maxkamadda ay ku dhawaaqdo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada, haddii ay maxkamadda laasho natiijada doorashada waxaa markale muddo 60 maalmood gudahood ah lagu qabanaya doorashada madaxweynaha dalka Kenya.

Goobjoog News