U bood dhigaalka

Ruushka: 71 Qof Ku Dhimatay Diyaarad Burburtay

Sheeko:Dalka

Waxaa burburtay diyaarad rakaab oo uu leeyahay dalka Ruushka kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Moscow, waxaana dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay tiradooda 65 qof iyo 6 ka mida shaqaalaha diyaaradaha.

Diyaaraddan waxaa soo qaban waayay qalabka raadeerkaka dib 5 daqiiqo markii ay duushay,  waxaa ayna ku dhacday meel u dhow tuulada Orgoona, oo 80 KM kaga baeegan dhanka koofureed magaalada Moscow, diyaaradaan ayaa waxaa lahaa shirkadda lagu magacaabo Saaratof.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha keenay shilkani, waxa ayna baarayaan kooxaha degdegga ah iyo kuwa wax baaro meeshii ay diyaaradu ku dhacday oo baraf qariyey.

Waa shilkii ugu horreeyay oo dhaca sanadkaan cusub,waxa uuna ahaa sanadkii tagay ee 20017, kii ugu nabad-gelyada badnaa marka loo eego shilalka diyaaradaha rayidka.

Goobjoog News