U bood dhigaalka

Ruushka Iyo Shiinaha Oo Mar Kale Kasoo Horjeestay In Cuno Qabeyn La Saaro Syria

Sheeko:Dalka

Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa waxay u codeeyeen masahruuc ka dhan ah  go’aanka Qaramada Midoobay oo ah in cuno qabateyn  kale la saaro dowladda Syria taasi oo loo sababaynaayo inay istcmaasho hubka Chemical-ka ah.

Arrintani ayaa ah markii Todobaad oo uu Ruushka isticmaalo codka Fiitowga ah kaasi oo ka dhan ah go’aanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay  oo ku saabsan dhibaatada ka jirta waddanka Syria.

Shiinaha ayaa isna Lix jeer isticmaalay codkaan Fiitowga ah kaasi  oo la xiriira arrimaha Syria tan iyo markii uu ka bilowday waddankaas loolanka sanadkii 2011-kii.

Dhanka kale dowladda Syria ayaa waxay ogolaatay inay baabi’iso hubka Chemical-ka ah ka dib markii heshiis u dhex dhexaadin ka ahaa Ruushka ay la gashay Maraykanka sanadkii 2013-kii, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay ay dowladda Syria ay iska fogeysay inay weeraro ay ku fulisay hubka Chemicalka  ah.

Balse baaritaanno ay sameeyeen Qaramada Midoobay iyo hay’adda la dagaalanka hubka wax gumaado ee Chemical-ka  ayaa waxay ogaadeen in dowladda Syria ay u adeegsatay hubkaas  Saddex weerar kuwaas oo dhacay intii lagu guda jiray sanadihii 2014-2015kii.

Dowladaha Maraykanka, Engiriiska, France, ayaa waxay soo saareen go’aan cuno qabatamaha ugu dambeeyo lagu saarayo Syria waxaana loo codeyn doonaa  maalinta talaadada ee soo socota, go’aankaan ayaa waxaa sidoo kale ku jira oo qeyb ka ah in dowladda Syria aan laga iibin Karin diyaaradaha dagaalka ee Helicopters.

Go’aankaan ayaa waxaa taageeray Sagaal dowladood oo qeyb ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay , halka ay Saddex dawladood ay ka soo horjeesteen kuwaas oo kala ah Ruushka, China, iyo Bolivia  sidoo kale waxaa diiday inay u codeeyaan mashruucaan sddex dawladood oo kale waxayn yihiin Masar, Ethiopia, iyo Kazakhstan.