U bood dhigaalka

Ruushka oo Bilaabay Yareynta Xajmiga Ciidan ee Ka Jooga Dalka Suuriya

Sheeko:Dalka

Abaanduulaha guud ee ciidanka Ruushaka ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay iney bilaabeen yareynta xajmiga ciidan ee ka jooga dalka Suuriya.

Wakaaladda wararka Itar-Tass ayaa laga soo xigtay in abaanduulaha guud ee ciidamada Ruushka Valery Gerasimov uu yiri, “Go’aan uu soo saaray Taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ee dalka Ruushka Vladimir Putin, wasaaradda difaaca dalka Ruushku waxay bilaabaysaa yareynta xajmiga ciidan ee jooga dalka Suuriya”.

Waxa uu intaa sii raaciyay in markab weyn oo kan diyaaradaha xambaara ah lana yiraahdo “Admiral Kuznetsov” oo jooga badda Mediterranean-ka meel u dhaw xeebaha Suuriya iyo markabka kale oo la yiraahdo Peter Great ay noqon doonaan aaladaha ugu horreeya ee ku laabanaya dalka Ruushka.

Ciidanka Ruushka ayaa dalka Suuriya gaaray bishii September 2015, iyagoo sheegay  iney garabsiinayaan ciidamada Bishar al-Alas ee dalka Suuriya. Ruushka ayaa sheega in howlgalladiisu ay yihiin kuwo ay ku beegsanayaan ururka Daacish.

Hadalkaani ayaa imaanayo ka dib labo todobaad oo xabad joojin ah oo lagu dhawaaqay iney ka hirgaleyso dalka Suuriya, taas oo ay garwadeen ka ahaayeen wadamada Turkiga iyo Ruushka .

 Goobjoog News