U bood dhigaalka

Ruushka Oo Eryaya Diblomaasiyiin Mareykan Ah

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in dalkiisa uu eryayo 60 diblomaasiyiin Ruush ah, taasi oo jawaab u ah go’aanka Washington ay ku eriday dibloomaasiyiinta Ruushka.

Waxaa uu sheegay in Moscow ay u yeertay safiirka Mareykanka ee Ruushka si ay u gaarsiiso arrintan.

Sergey Lavrov ayaa intaas ku daray in Ruushka uu sidoo kale u xirayo qunsiliyadda Mareykanka ee ku taallo magaalada  Saint Petersburg.

Goobjoog News