U bood dhigaalka

Ruushka Oo Eryeya 23 Diblomaasi Oo U Dhashay UK

Sheeko:Dalka

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka eryeyso 23 diblomaasi oo u dhashay dalka UK, xilli uu cirka  isku sii shareerayo xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Arrintan ayaa waxaa sabab u ah sumeynta Sergei Skripal iyo gabadhiisa, kaasi oo ahaa sirdoon u dhashay Ruushka balse u shaqeynayey UK.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in shaqaalaha ka shaqeeya safaaradda UK ee Moscow ay ku eryi doonto muddo todobaad gudihiis ah.

Waxaa ay intaas ku dartay in ay xiri doonto xarunta dhaqanka ee UK kuna taallo Ruushka iyo qunsuliyadda Britain ee ku taallo Saint Petersburg.

Tallaabadan uu Ruushka ku eryayo diblomaasiyiintaan yaa timid ka dib markii Uk ay horay ugu dhawaaqday in ay ka saareyso dalkeeda  23 diblomaasi oo u dhashay Ruushka.

UK ayaa eedeyn u jeedisay Ruushka taas oo la xiriirta in uu lug ku leeyahay sumeynta Sergei Skripal, balse Ruushka waa uu iska fagooyey arrintaas.

Goobjoog News