U bood dhigaalka

Ruushka Oo Iska Fogeeyey In Uu Faragaliyey Doorashooyinkii Mareykanka

Sheeko:Caalamka

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in Washington aysan u heysan wax caddeyn ah in Ruushka uu faragaliyey doorashooyinkii madaxtinnimo ee Mareykanka ka dhacay sanadkii hore.

Sergey Lavrov ayaa intaasi waxa uu ku daray in dhanka Mareykanka aysan heysan caddeymo sheegaya arrimahaas, hadalkani ayuu wasiirka waxa uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Moscow, kaasi oo uu uga hadlayey shakhsiyaadkii Mareykanka uu sheegay in ay faragelin ku sameeyeen doorashada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli todobaadkaan uu Mareykanku bandhigay 13 qof oo uu sheegay in ay u dhow yihiin madaxweynaha Ruushka Putin oo farageliyey doorashadii Mareykanka ee dhexmartay Trump iyo Clinton.

Goobjoog News