U bood dhigaalka

Ruushka Oo Ku Baaqay In Cuna-qabateynta Hubka Laga Qaado Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka gaar ahaan Guddiga u xil-saaray cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa khamiistii sheegay in ay suurogal tahay in yimaadaan Soomaaliya iyaga oo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.

Wakiilka Faransiiska waxaa uu ku booriyay xukuumadda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan nabad-galyada isla markaana ay dhisaan ciidamada militariga iyo Booliiska, isaga oo intaa raaciyay in ay laga maarmaan tahay in ciidamadaasi ay  AMISOM kala wareegaan amniga dalka.

Wakiilka Ruushka guddiga ugu jira waxaa uu soo jeediyay in cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya wax laga badalo ama la qafiifiyo si dowladda federaalka ah ay u hesho hub.

“Cuna-qabateynta ma aha arrin aan laga gudbi Karin” sidaa waxaa yiri wakiilka Ruushka isaga oo intaa raaciyay in loo baahan-yahay in lagu laabto si ay ula socoto isbadallada ka dhacaya Soomaaliya.

Dowladaha goobta joogay qaarkood  waxaa ay sheegeen in  cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray ay gacan ka geysatay in hub aanu gacanta u gelin kooxaha ay ugu yeeraan argigixisada.

Goobjoog News