U bood dhigaalka

Ruushka Oo Mareykanka Ka Dalbaday Inuu Dib U Soo Celiyo Xarumaha Diblomaasiyadeed Ee Ruushka

Sheeko:Dalka

Dowladda Ruushka ayaa ka codsatay dalka Mareykanka inay dib u eegto xirista xarumaheeda diblomaasiyadeed, waxaa uuna Ruushka dusha ka saaray Mareykanka in ay si buuxa mas’uuliyadda u qaadaneyso haddii uu burburo xiriirka labada dal.

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu ku tuntay sharciyada caalamiga ah .

Dowladda Ruushka ayaa lagu amray inay qunsuliyaddeeda ay ka rarto San Francisco iyo xarumaheeda diblomaasiyadeed oo ay ku leedahay Washington  ka dib qilaaf soo kala dhex galay labada dal.

Goobjoog News