U bood dhigaalka

Ruushka Oo Muranka Maraykanka Iyo W/kuuriye Ku Micneeyay Kan Carruurta Oo Kale

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa ku tilmaamay dagaalka afka ah ee u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka Donald j Trump iyo hogaamiya kuuriyada waqooyi Kim Jong-un muranka ka dhaxeeya oo kale ilmaha ku jira xanaanada.

Xilli sii horeysay ayaa hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi  waxaa uu ku tilmaamay Donald Trump inuu yahay nin garaadkiisu dhimanyahay  ka dib markii Trump uu ku goodiyey in dalkiisa uu burburin doono.

Trump ayaa waxaa uu ugu jawaabay hadalka Kim Jong-un inuu yahay hogaamiyaha kuuriyada nin waalan oo wajahayo Imtixaan uusan u qalmin.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa horay u saaray kuuriyada waqooyi cunno qabateyn, ka dib markii ay si isdaba joog ah ay u tijaabisay gantaalada ridada dheer.