U bood dhigaalka

Ruushka Oo Sheegay In Xiriir Uu Ka Dhaxeeyo Turkiga Iyo Daacish

Sheeko:Dalka

Ruushka ayaa ku eedeyey dalka Turkiga in sababtii uu u soo riday diyaaraddii dagaal in ay ka dambeysay  Turkiga oo  ilaalinaya dano ganacsi oo kala dhexeeyay ururka Daacish.

Warkan waxaa sheegay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin oo qudbad ka jeediyey shirka Paris ee looga hadlayo isbadalka cimiladda Dunida.

Vladimir Putin waxa uu xusay in Turkiga iyo IS ay leeyihiin xiriir ganacsi oo ku qotoma kala iibsiga saliidda.

Dalka Turkiga ayaa warkaa si adag u beeniyey in wax xiriir ah uu kala dhaxeeyo Daacish oo ay iyagu qeyb ka yihiin dagaalka kooxdaa lagula jiro.

Dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa isku mari la sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhashay diyaarad dagaal oo uu dalka ruushku lahaa, taas oo ay soo toogteen ciidamadda cirka dalka Turkiga.

Isniintii shalay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay aaminsantahay in diyaaradda lasoo riday ay soo gashay hawadda dalka turkiga.

Hogaamiyayaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa Labaduba waxa ay ku sugan yihiin magaladda Paris halkaas oo uu ka socdo shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cimiladda Dunidda, waxaana aad u yar suurta galnimada ah in Labada madaxweyne ay kulmaan.

Goobjoog News