U bood dhigaalka

Ruuxaani: Sacuudiga Waxa Uu Gobolka Ku Wadaa Waddo Qaldan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in Sacuudiga uu mar walbo waddo-qaldan ku gaaro ujeedooyinkiisa.

Ruuxaani oo jeedinayey khudbad sanadle ah ayaa waxa uu intaasi ku daray in Sacuudiga uu ku fashilmay ujeedooyinkii uu ka lahaa Yeman, isaga oo intaasi raaciyay in danta shacuubta gobolka ay ku jirto in Sacuudiga uu ku soo laabto waddadiisii hanuunka.

Ruuxaani waxaa uu ku doodey in Riyaadh ay bixisay dadaallo badan si ay u qabsato Yeman, balse wax ka dhashay ma jiraan marka laga reebo dil iyo burburin.

Madaxweynaha Iran waxa uu tilmaamay in qalad ay tahay in Sacuudiga uu aamino Israel in ay tahay dowlad saaxiib, taas oo ah sida uu sheegay mid cadaw ku ah shucuubka gobolka.

Hadalka Ruuxaani ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli uu sheegay Murshidka sare ee jamhuuriyadda Iran Cali Khumeyni in Sacuudiga uu ku eedeeyay inuu qiyaamayo dunida Islaamka uuna taageero siinayo Mareykanka iyo Israel waa sida uu hadalka u dhigay.