U bood dhigaalka

RW Cabdiweli: Guul ayaan ka gaarnay hirgelinta maamullada dalka

Sheeko:War
DSC07909
RW Cabdiweli Shiikh, Sawir Qaade Munasar Maxamed Cabdi, Goobjoog FM

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku guulaysatay hirgelinta qaar ka mid ah Maamullada Dalka.

Waxa uu sheegay Ra’iisulwasaare Cabdiweli Shiikh in ay ku guuleysteen Maamul u samaynta Gobollada Koonfurta Dalka oo Dowladdu ay sheegtay in loo sameeyay Maamul ka kooban saddex Gobol.

Maamulkan Koonfurta Dalka ayuu sheegay Mudane Cabdiweli in uu yahay mid ay ku qanacsan yihiin sida uu warka u dhigay dadka ka soo jeeda Gobolladaasi.

“Tallabooyinka qaar waxa ay dhiira galinaysaa Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.

Waxa uu ku tilmaamay Maamullada Dowladda Soomaaliya ay ka hirgalinayso Gobollada Dalka mid calaamad u ah sida Dowladda ay ugu dadaalayso in nidaamka iyo kala danbaynta ay ku gaarsiiso guud ahaan dalka.