U bood dhigaalka

RW Cabdiweli oo Cali Maxamuud Maxamed u magacaabay wasiirka caafimaadka Soomaaliya

Sheeko:War
Abdiweli RW
RW Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Cali Maxamuud Maxamed (Cali Xareed) wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Lama sheegin sababaha Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh uu xilka uga qaaday wasiirkii hore ee caafimaadka Jeneraal Axmed Maxamed Maxamuud oo xilkan horay u hayay.

Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Cali Xareed ayaa ka tirsanaa dowladihii KMG ahaa isagoo soo noqday Wasiiru Dowlihii Gaashaandhiga, Wasiirka dalxiiska iyo duur joogta, iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya