U bood dhigaalka

RW Ku Xigeenka iyo Wafti Ka Qeybgalay Shirka Shaqaalaha Adduunka

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hogaminayo Ra’isulwasaare ku xigeenka Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada eyna xubin ka yihiin Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed (ITUSS) iyo Rugta Ganacsiga Soomaliyeed ayaa gaaray Magaalada Geneva, Switzerland oo ah Xarunta Ururka Shaqaalaha Dunida(ILO), halkaas oo ay uga qaybgalayaan shirka 104-aad ee ururada shaqaalaha dunida.

Wafdigaan oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho 01/06/2015 ayaa garay xarunta ILO waxaana si diiran halkas ugu soo dhaweeyey Safaarada Soomaliya. Wafdigaan ayaa halkaas uga qaybgalaya shirka 104-aad ee ururka shaqaalaha caalamiga kaas oo socon doona mudo laba usbuuc ah.

Wafdiga uga qaybgalaya Soomaaliya ayaa waxa hogaaminaya Ra’isulwasaare ku xigeenka Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte waxaana xubno ka ah:

 

  1. Wasiirka Shaqada iyo Arimha Bulshada, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey
  2. Gudoomiyaha Isutagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji
  3. Xoghayaha guud ee Isutagga Urruweynaha Shaqalalaha Soomaaliyeed, Mudane Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud
  4. Sii hayaha Xoghaya guud ee FESTU, Mudane Maxamed Ibraahim Bakistaan
  5. Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed , Mudane Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadam(Galaanbe)

 

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa lagu falanqeeyaa duruufaha shaqo ee ka jira wadamada xubnaha ka ah ururka shaqaalaha dunida kaas oo ay ka soo qaybgalaan wasaradah arimaha bulshada iyo shaqalaha iyo urururada shaqaale ee xubnaha ka aha ururka shaqaalaha dunida kaas oo uu si rasmi ah u matalayao kuna codeyn doono magaca Soomaaliya Gudoomiyaha Isutagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Cali.

 

89 88