U bood dhigaalka

Rwanda Oo Shacabka Oo Dhan U Sameyneysa Daryeelka Caafimaadka Indhaha Ah

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda Rwanda oo noqotay dowladdii ugu horreysay oo Sabool ah dadkeedana u sameysay dhammaan daryeel caafimaad oo dhanka indhaha kuwaasi oo gaaraya tiro ahaan 12 Milyan oo qof.

Xukuumadda Rwanda oo kaashaneyso ururka aragtida dadka oo loo soo gaabiyo VFAN ayaa bilowday in ay tobar-siiso in ka badan 3,000 oo shaqaale ah kuwaasi oo ka shaqeynaya ilaalinta bad-qabka indhaha,ย  waxayna ka howlgali doonaan 502 xarumo caafimaad ah kuna yaallo gudaha Rwanda.

Shaqaalahaan loo tobabarayo daryeelka Indhaha ayaa waxay qabanayaan in ay dadka u qoraan Ookiyaalo sidoo kale, waxa ay qabanayaan inay u soo gudbiyaan dadka ka sheeganaya dhibaatooyinka waaweyn ee dhanka indhaha xarumaha bokaan eegtada qaranka.

Kalkaaliyaashaan caafimaad oo ka shaqeynaya daryeelka indhaha ayaa waxa ay booqdeen dhammaan tuulooyinka dalka Rwanda oo gaaraya tiro ahaan 15,000 oo tuulo.

Dr Jennifer Yip oo ka soo baxday kulyadda caafimaadka London kuna taqasustay caafimaadka goobaha kulul ayaa cdeysay in ay muhiimad weyn leedahay daryeelka dadka.

Iyada oo arrintaasi ka hadleysa waxa ay tiri โ€œiyada oo aan la heysan qalabkii lagu daryeeli lahaa dadka,waxa ay keeneysaa in dhammaan ay dadka noqdaan kuwo indhoolayaal ah.

Dr Jennifer Yip ayaa sheegtay in dadka reer Ruwanda ay ka faaโ€™ideysteen 30% qeybaha kala duwan ee barnaamijkaan daryeelka indhaha,waxa ay intaasi ku dartay in ay aad u yartahay dadka u baahan qalliinka dhanka indhaha ah.

Aragti yarida waa cudurrada ugu badan ee la xiriira dhanka indhaha,waxaana Rwanda 80% ay sameyneysaa ka hortagga ku aadan cudurada indhaha.

Dalka Rwanda ayaa ah dal sabool ah mana helaan bulshada ku dhaqan 19% adeegyada asaasiga ah oo ay mid tahay korontada.

Goobjoog News