U bood dhigaalka

Saalax Qoosh Agaasimha Sirdoonka Suudaan O Kullamo Ku Leh Muqdisho

Sheeko:Amniga

Agaasimha Guud ee Sirdoonka Suudaan Saalax Cabdalla Maxamed(Qoosh) ayaa booqasho waxaa uu ku yimid Magaalada Muqdisho waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa agaasimha Nisa Xuseen Cusmaan Xouseen.

Booqashada agaasimaha guud ee sirdoonka iyo nabadsugida Sudan (NISS) , 1st Lt Gen. Saalax Cabdalla Maxamed oo mid rasmi ah ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kullamo la yeesho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan doladda Soomaaliya.

Socdaalka Saalax Qoosh warbixin badan lagama haayo, hey’adaha amniga oo ay Goobjoog News la xiriirtay waxaa ay ka gaabsadeen inay ka warbixiyaan ujeedka safarka.

Goobjoog News