U bood dhigaalka

Saameynta Uu Qaraxii Zoobe Ku Yeeshay Ardayda Jaamacadaha

Sheeko:Dalka

Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 14 bishan, waxa uu saameyn culus oo dhan walba ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxa ugu badan ee uu dhibaateeyay ayaa ahaa, dadkii xoogga iyo shaqada u ahaa bulshada iyo mustaqbalkii dalka ee ardaydii iskuulaadka iyo jaamacadaha dalka.

Hadaba, saameynta qaraxa ee jaamacadaha dalka ayaa u dhabogalnay, dhowr jaamacadood ayaan booqannay si aan u ogaanno xogta dhabta ah iyo sida ay wax usoo gaareen ardaydii,macallimiintii iyo howlwadeenadii jaamacadda.

Wariyeheenna GMaxamed Bishaar Barre Jaamca ayaa wareysi lasoo yeeshay madaxda dhowr jaamacadood uu u booqday, qaar kood waxay u ogaaleed wareysi halka kuwa kalena ay xog un noo ogalaadeen.

Jamacadihii aan booqannay waxaa ka mid ahaa Jobkey, waxaan wareysnnay  Cabdifaraax Sheekh Nuur Macallin oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee jaamacadda,  waxa uu ugu horreyn noo sheegay in burbur uu soo gaaray xarunta jaamacadda isla markaana ay arday ay kaga dhimatay qaraxa:

“Waxaan ahay madax xafiisa Public relation jaaamcadda Jobkey, Qaraxii ka dhacay magaalada muqdisho 14 bishan waxa uu ahaa musiibo weyn oo umadda Soomaaliyeed ku dhacay, waxa uu saameeyay bulshada qeybaheeda kala duwan, dad ayaa ku dhintay iyo dad ayaa ku dhaawacmay, goobo ganacsi ayaa ku baaba’ay, jaamcadda Jobkey waxay ka mid ahayd goobihii waxyeeladaasi soo gaaray, burburka soo gaaray xarun ka mid ah xarumaha Jobkey ay ku lahayd magaalada Muqdisho gaar ahaan Soobe, meel aan sidaa uga sii fogeyn isgoyska Soobe, sidoo kale arday wax ka barata jaamacadda Xaruntaas ayaa naftooda ku waayay, qaar kalena way ku dhaawacmeen, sida hadda tirakoobka aan ku haynno.”

Waxa uu noo faahfaahiyay ardayda kaga dhimatay qaraxa:

“Illaa iyo hadda waxaa jirta labo arday oo ku geeriyootay qaraxaas, qof ka mid ah waa haweenay halka qofka kalena uu yahay qof rag ah, gabadha waxaa la yiraahdaa Ruqiyo Abuukar, waa arday baratay kulliyadda Health science qeybta loo yaqaanno Nursing, way geeriyootay Alla ha-u-naxariisto semester 7 ayay ahayd way geeriyootay, waxaa kale oo geeriyooda arday kale oo ardayda jaamacadda ah, laakiin ahaa ardaydii dufcaddii hore ka aflaxday jaamacadda oo la yiraahdo Cabdi Aadan, sida aan warbixinta ku haynno qaraxii ayuu la kowsaday waana uu ku geeriyooday.”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay tirada ardayda kaga dhaawacantay Qaraxa:

“Waxaa kale oo jira arday kale oo uu dhaawac xooggan uu soo gaaray oo illaa iyo hadda yaalla goobaha caafimaadka oo la dabiibaayo jaamacaddu runtii ay ka warqabto waxaa ka mid ah, Cabdullaahi Isaaq Maxamed, Xafso Yusuf Maxamed Barrow, Cabdixakiim Macallin, Faarax Macallin Maxamed, intaasi waa inta ay hadda jaamacaddu ku sameysay tirokoob.”

Cabdifataax waxa uu noo sheegay iney jiraan arday kale oo la la’yahay oo ehelladii iyo jaamacadduba ay baadigoobkooda ku jiraan, laakiin marka ay warbixintoodu soo buuxsanto ay la wadaagi doonaan warbaahinta:

“Waxaa jira arday illaa hadda la la’yahay oo raqdoodii iyo ruuxdoodii la la’yahay, waxay u badan yihiin arday cusub oo jaamacadda kusoo biirtay, semester One ayay ahaayeen, laakiin jaamacadda maalmulkeeda, macallimiinteeda iyo waalidka ayaa raadinaya oo shalay oo ugu dambeysay liiskoodii la geeyay xafiiska tirakoobka loo sameeyay.” Jobkey wax ka yar Hal kiiloomitir oo qura ayay u jirtay goobtii uu qaraxu qabsaday.

Dhanka kale, waxaan wareysannay Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, xoghaya guud ee golaha sare ee jaamacadda SIU, waxa uu ka hadlay sida  ardaydii jaamacadda uu Qaraxii u saameeyay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Musiibadii maadaam saddex boqol oo arday ka badan ay ku dhinteen, waad fahmi kartaa guriwalba iyo cid walba saameyn ayay ku yeelatay, ardayduna kama marna dadkaas, illaa hadda arday dhintay waa la sheegay, gabar la la’aa in la helay ayaan maqlaayay. Annaga jaamcaddeennii ma xirmin laakiin jaamacado badan oo xirmay ayaa jiro oo daraasaddii xataa joojiyay, saameynta siyaadada ah uu ku yeeshay(Qaraxii) owgeed.”

Si kastaba, Tirada arday jaamacadaha dalka wax ka baraneysay ee illaa iyo hadda la ogyahay iney qaraxii wax ku noqdeen waa 8, 3 ka mid ah ay yihiin jaamacadda SIMAD,  2ka mid ahna ay yihiin Jobkey, jaamacadda Banaader oo hal arday ah, SIU oo 2 arday ah. waxaa kale oo jira arday ay dhibaato ka soo gaaray jaamacadaha Somaville iyo hormuud oo illaa iyo hadda aan la xaqiijin tiradooda inta ay gaareyso.

Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah in khasaaraha ardayda Soomaaliyeed kasoo gaaray qaraxii Soobe uu intaa ka ballaaran yahay, wixii macluumaad ee dheeri ah ee aan helno waan idiin soo gudbin doonnaa.

FG: Goobjoog News, waxay weli waddaa baaritaanka ku aadan ardaydii wax ku noqday qaraxii Zoobe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News