U bood dhigaalka

Saami Canaan Oo Murashax Ka Ahaa Doorashada Masar Oo Xabsiga La Dhigay

Sheeko:Dalka

General hore oo ka tirsan ciidamada Masar, Saami Canaan kaas oo damacsanaa in uu doorashada sanadkan kula tartamo madaxweyne Cabdifitaax Al-sisi, ayaa shalay xabsiga la dhigay isaga oo lagu eedeeyay in uu ku tuntay xeerka, militariga, sameeyay musuq isla markaana uu dhiirigeliyay xummaanta.

Xeer ilaalinta ciidamada ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in abaan-duuliyihii hore ee ciidamada Masar Saami Xafez Canaan inuu galay dambiyo ka dib markii uu shaaciyey inuu yahay musharax u taagan doorashooyinka madaxtinimo isaga oo aan ka fasax qaadan ciidamada qalabka sida.

War-murtiyeedka ka soo baxay hogaanka guud ee ciidamada Masar ayaa sidoo kale Sami Hafez Anan  waxaa lagu eedeeyay inuu galay dambiyo kicin ah oo ka dhana ciidamada kuwaasi oo uu qoray.

Sida ay sheegtay hay’adda doorashooyinka Sami Anan kama qeyb-galayo doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado inay dhacaan bartamaha bisha Maarso.

Zami Anan ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inuu yahay musharax ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Abu-dubai ee dalka Imaaraadka,waxaa uuna ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada inay dhexdhexaad ay ka noqdaan dadka isku soo sharraxay doorashooyinka madaxtinimo.

Goobjoog News