U bood dhigaalka

Sababaha Ay Kenya Ugu Guul-dareysatay Dooddii Ka Socotay Maxkamadda ICJ

Sheeko:Dalka

Jimcihii waxaa Hague lagu soo gabagabeeyay Dooddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya, 4 maalin oo dhageysiga dacwada socotay, doodda Kenya waxaa ay aheyd mid daciif ah oo waxaa ay goobta u tageen oo keliya in maxkamadda ay ku marin habaabiyaan MOU-ga iyo fasiraad been ah oo arrinkaas ku saabsan, laakin Soomaalida ayaa ka hadal badisay Nairobi, ka xujo badisay, dhulka ku jiiday, waana laga adkaaday dalka Kenya.

Hadaba Maxaa keenay in Kenya laga adkaado,?

Is Hortaagga Dacwada:

Kenya waxaa xooggeeda isugu geysay in ay maxkamadda ka hor istaagaan furitaanka doodda, Laakin arrinkaas waxaa uu muujinayaa in eedeysanaha lagu yaqaano wax qaris iyo xeer naceyb!

Kenyaanka waxaa ay ku doodayaan in Soomaaliya ay ku jiro xaalad adag oo mid siyaasadeed iyo amni ah, isla markaana aaney habooneen in xiligan la furo dacwad noocaan ah, taasi oo ku tuseysa in ay marmarsiyo u raadinayaan dib u dhigista dacwada!

Kenya waa Caddeymo La’aan:

Kenya ma heyso Caddeymo iyo wax ku saabsan heshiiska ama MOU-ga in uu ka hor imaanayo aadintaanka maxkamadda ICJ, qareennada Kenya waxaa ku guul-dareysteen iney xaqiiqdaas beeniyaan!

Beer-Laxawsi :

Kenya waxaa ay Maxkamadda u sheegtay in la fiiriyo nafta ay u hureen xasiloonida Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab, Laakin Mona al-Sharmani oo Soomaaliya mataleysay ayaa maxkamadda ka hor sheegtay in isla tilaabadaas oo kale ay sameeyeen dalal badan oo ay jiraan Uganda, Djibouti iyo  Burundi!

Arrinta Wada Hadalka:

Qareen Ingiriis ah oo Kenya u hadlay waxaa uu sheegay in Soomaaliya aaney Kenya u sheegin in dul-qaadka ka dhamaaday oo maxkamadda u soo carartay, Laakin arrintaas waxaa maxkamadda ka shaafiyay qareennada Soomaalida.

Qareenka Soomaaliya u hadlay waxaa uu sheegay in xataa haddii la raaco doodda Kenya oo ah in MOUga uu dhigayo in la wada hadlo ay Soomaaliya sidaa sameysay, oo labada dhinac ay wada hadleen.

Soomaaliya waxaa ay maxkamadda u sheegtay in labada dal horay u wada hadleen, labo kulan oo ka dhacay Nairobi, kulan ay Kenyaan ka baaqsadeen oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho iyo xitaa soo jeedin kulan kale oo Soomaaliya codsatay in uu ka dhaco daka Djabuti kaas oo Kenya aaney ka soo jawaabin!

Sida in aaney maxkamadda intaa ku filneen, “MOU-ga 2009-kii ma aheyn heshiis lagu heshiiyay in uu noqdo heshiis kama dambeys ah” sidaa waxaa ICJ u sheegay qareen kale oo Soomaaliya u hadlay!

Dhagarta Kenya:

Soomaaliya waxaa ay ICJ u sheegtay in Kenyaanka ay dhagar wadaan, waayo waxaa maxkamadda la horkeenay caddeymo ku saabsan in Kenya ay baaritaan ka sameysay badda lagu muransan yahay xataa markii ay Soomaaliya maxkamadda ICJ cabasho u dirtay, waxaa kaloo sii jirtay in ay baaritaanno sameeyeen inta uu wada hadalka socday iyo ka horba.

Yasmada Kenya ee Maxkamadda ICJ:

Qareennada Soomaaliya si dhulka ula jaraan Kenyaanka waxaa ay maxkamadda ka hor sheegeen in Kenya ay yaseyso awoodda maxkamadda iyo xataa go’aan gaaristeeda, arrintan waa dharbaaxo qaanuuni ah oo Kenya loo geystay, waaayo hadalka Soomaaliya waxaa uu ka dhigan yahay, Muqdisho waxaa ay isku dhiibtay ICJ, halka Nairobi ay su’aaleyso awooddiina.

Go’aanka Maxkamadda ICJ:

Maxkamadda ICJ, waxaa lagu wadaa in ay go’aan gaarto lix bil gudahood oo maanta ka bilaabaneysa, natiijada waxaa ay noqon kartaa in wada hadalka la sii wado ama in maxkamadda ogolaato in dacwada badda horay loo galo oo dacwada la furo, labada arrinba Soomaaliya waa guuleysatay, waayo waxaa hubaal ah in maalin uun maxakmadda ICJ ay qaadi doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,

Goobjoog News