U bood dhigaalka

Sababta Raggu Uga Baqaan Booqashada Goobaha Caafimaadka

Sheeko:Caafimaadka

Dhakhaatiir badan ayaa isku raacay in inta badan raggu ay ka laba labeeyaan booqashada goobaha caafimaadka, hadaba waa maxay xaaladda dhabta ah ee ka dabmeysa arrintaa?

Xaaladdan oo runtii noqotay mid khatar ku ah nolosha dadka farabadan oo ka kala tirsan waddamo badan oo dunida ah ayaa waxaa ka hadlay qof ka shaqeeyay gaadiidka gurmadka degdegga ah ee London, waxa uu yiri: “Intii aan shaqadan ka shaqeynayay waxaan ogaaday in raggu ay ka fogaadaan booqashada goobaha caafimaad mararka ay soo gaaraan dhaawacyada, waxaa xusid mudan in dhakhaatiirta aan aqoonta u leeyahay oo dhan ay noo xaqiijinayaan in raggu aaney u badneyn goobohooda caafimaad oo aaney soo gaarin inta badan, xitaa mararka ay dareemaan qandhada xooga leh”.

Wasaaradda caafimaadka Ingiriiska oo dhakhaatiir kala duwan ay arrintan la wadaageen  ayaa go’aansatay iney tirakoobyo ka sameyso kumanaan qof oo wax laga weydiinayo arrinkan, si loo ogaado sababta dhabta ah ee ka dambeysa iney raggu ka baqaan goobaha caafimaadka.

Warbixin ay soo saareen tiro khubaro ah oo ka tirsan wasaaradda Caafimaadka Britain ayaa waxay ku sheegeen; ” Runtii waxaan ka ogaanney jawaabihii aan helnnay in ragga intooda badani ay ka baqaan booqashada dhakhtarka sabab nafsi ah darteed, ma doonayaan in xaalad ducfi ah lagu arko ama qof daciif ah ay u muuqdaan, iyadoo in badan ay uga baqaan iyagoo diiddan in dhagtoodu maqasho war aan farxad lahayn iyo in cudurro halis ah laga sheego, waxay u baqayaan mustaqbalka qoysaskooda iyo qaraabadooda ugu dhaw ee ay mas’uulka ka yihiin”.

Goobjoog News