U bood dhigaalka

Sababtii Ay Soomaaliya Ugu Biirtay Jaamacadda Carabta

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo kale 1974-kii Soomaaliya ayaa waxay ku biirtay ururka Jaamacadda Carabta, iyadoo maanta loo dabaal degayo 42-sano guuradii kasoo wareegtay maalintaasi.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid tahay sababtii ay Soomaaliya ugu biirtay Jaamacadda Carabta.

Ugu horreyn waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; “Ku biiristii Soomaaliya ee jamaacadda carabta siyaabo kala duwan ayay ku macneynayaan dadka siyaasadda daneeya ee aadka uga fakara,  Adduunka marka la qiimeynayo Juqraafi ahaan, dal waliba meesha uu kaga yaallo 5 qaaradood ee Adduunka, marna waxaa la dhihi karaaba dowaladaha Carabtu iyagaa daneynayay Soomaaliya iney ka mid noqoto dunida Carabta siyaabooyin kala duwan marka loo eego, haddii aan soo qaadanno dalka Soomaaliya waxa uu ku yaallaa marka loo fiiriyo Juqraafi ahaan, dunida meelaha muhiimka ah ee marka Juqraafi ahaan loo fiiriyo dhinaca amniga, sababtuna waxay tahay Soomaaliya waxay haysataa xeebta Africa ugu dheer, xeebtaas oo isku haysata Badda Hindiya illaa Badda Cas, oo labada badoodba meesha ay kaga taallo adduunka xudun u ah, oo haddii loo fiiriyo isku socodka maraakiibta, ganacsiga, waxaa Soomaaliya lagu tilmaamaa iney maraan maraakiibta Adduunka, markalena Soomaaliya waxay u jirtaa meel aan sidaa uga sii fogeyn u jirtaa Baab Al-Mandab oo ah marin isku xira jasiiradda Carabta iyo dunida inteeda kale”.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in Soomaaliya ay ahayd meel ay ku hardamaan dowladaha Awoodda Badan ee Dunida oo mid kastaana ay ku fakareysay iney saldhig ku yeellato, si ay u difaacato danaheeda dhaqaale danahooda amni iyo siyaasadda Adduunka oo lagu tartamayey, sidaa daraadeed Soomaaliya waxaa xoog u daneynayay dowladaha reer galbeedaka oo mid kastaaba ay dooneysay iney saldhig ka hesho gudaha Soomaaliya, waxaana damacaa aad u hor istaagay Siyaad Barre oo markii dambe xitaa Ruushka la sheegay inuu Soomaaliya ka haystay Barbara oo uu fursada ka helay meel uu isagana ka surto gantaallada qaaradaha ka gudba ee Sumamka la oran jiray, waxa uu kala diririyaa saldhigyada uu Mareykanku ku lahaa Bariga dhexe iyadoo Soomaaliya ay qeyb ka ahayd loolankii u dhexeeyay Ruushka iyo Mareykanka.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray; “Muhuumadda kale ee ay Soomaaliya leedahay waxaa lagu sheegaa iney tahay meesha kaliya ee sawaariikhda dayax gacmeedka qaadda ugu habboon Dunida inteeda kale, markaa waxaa jira wax badan oo aan dalkeena ka fahamsaneyn dalkeenuna uu ku wanaagsan yahay”.

Xildhibaanka ayaa kusii xeel dheeraaday Muhiimadda ay Soomaaliya leedahay, waxaanuu yir: ” haddii markabka Badda maraya laga qaado $10 dollar oo kaliya cidkastaaba wey dhargi lahayd, xataa ilmaha yare e uurka ku jiraa waxa uu heli lahaa lacago dhigaal ah, waxa uu xildhibaanku kusoo hal qabsaday khudbaddii wasiirka arimaha Dibaadda Turkiga uu ka jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku sheegay iney waxbadan ka faa’idaysteen, haddii dakadeenna aan ballaarino markabka Shiinaha ka yimaadda sitoos ah ayuu Soomaaliya usoo gaari lahaa isagoon soo mari dalka Emaratka una baahneyn inuu ka soo gudbo baab al-mandab, ganacsiga aan Hindiya la yeelan karno ayaan waxba noojirn, Baddan gacanka Carabta ayaan waxba noo jirin, cumaan ayaa aad inoogu dhaw oo gacansiga dunida kaalin weyn ku leh, sidaa daraadeed Soomaaliya muhiimadda ay leedahay waa wax aan la qiyaasi Karin lana cabiri Karin, markaa Carabi iyadoo ka faa’idaysanaysa isla markaana diidan in Soomaaliya ay ka Faa’idaystaan dowladaha kasoo horjeeda, dhaqaale ahaan iyagoo ka cabsi qaba amni ahaan iyagoo ka cabsi qaba ayaa waxay ku fakareen iney Soomaaliya hoosta soo gashtaan iyo waliba Jabuuti, isagoo xildhibaanku Carab ku canaantay iney burburkii Soomaaliya  sidii la rabay waxba uga qaban, Soomaaliya burbur kuma dheceen, Carabina ciriirigan kuma jirteen” ayuu yir mar uu ka hadlayay sababtii Carabi Soomaaliya u ogolaatay iney kamid noqoto jaamacadda Carabta.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd Jaamacadda Carabata Barburkii ka hor, waxaanuu sheegay in Soomaaliya ay ahayd xubin firfircoon, waxaanuu tusaale u soo qaatay rag siyaasadda Carabta Saameyn badan ku yeeshay isla markaan aad aqoon u lahayaa sida; Cumar Carte Qaalib oo uu ku sheegay inuu ahaa nin Afka Carabiga ku gabya, sidaas oo kale Maxamed Cali Xaamud oo isna aad u yaqaanay luqadda Carabiga oo marka ay ka qeyb galaan shirarka Jaamacadda Carabta waa loo istaagi jiray waa la dhageysan jiray caalamkan ay soo jiidan jireen, boqoradii Carbeed manta Dalka waxay ku leeyihiin beero waaweyn iyo aseendooyin, waana dadaaladii ay bixiyeen wasiiraddii aqoonyahanka ahaa ee isku kala badalay wasaaradda arimaha Dibadda, isla markaaana ku guuleystay iney si wanaagsan Carab uga iibiyaan siyaasadda Maalgashiga dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in manta siyaasadda arrimaha dibaadda mas’uuliyiinta loo magacaabaa ay ka liitaan dhanka Carabiga oo yir waxaa ku adkaanaysa iney iibiyaan siyaasiyiinta dalka, marmarka qaar waxaa shaki la galiyaa Carabnimadeena markii la dhex tago dad iyago is afgaranaya oo lala ag istaago Af qalaad oo qiimaheena hoos u dhigaya, waxa uu xildhibaanku ka hadlay in ay maqan tahay xikamddii siyaasadeed ee dalalka loo dirayo dublamaasiyiinta aaney ku habooney oo kolba la iska eegto dublimaasiga luqada uu yaqaano iyo dal aan munaasab ku ahayn oo loo adeegsado, taas oo dhaawac kale ah, Waxaa habbooneyd meesha loosocdo dhaqan ahaan iyo af ahaan nin yaqaana in loodiro.

Mar uu ka hadlayay burburkii iyo Carab wax qabadkii ay Soomaaliya u sameysay ayuu yiri; “Xaqa sheeg haba qaraaraadee” cid wax noo qabatay ma jirto, taa badalkeeda waa nala daawaday oo carabi waxba nooma qaban, Unisom ayay la yimaadeen, markii ay dalka ka bexeenna way ka bexeen iyaguna cid si gaar ah noogu danqatay ma jirin, hay’adihii ay Carabtu lahaydna waatii albaabada la iskugu dhuftay.

Dhanka waxbarashada waxaa jira waddamo fara badan oo aan abaal u hayno oo ay ugu horreyso Suudaan, dad farabadan oo Soomaaliyeed ayaa ka Faa’idaystay deeqaha waxbarasho ee dalkaas oo aan ku jiro ayuu yir xildhibaanku, dalka Masar ayaa islna kaalin weyn ka qaatay deeqaha waxbarasho, Yemen ayaa iyadana ka mid ahayd oo inta aan dhibaato ka dhicin kaalin muhiim ah ka qaadatay deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya loo fidiyay, waana dalalka ugu cadcad ee Illaa hadda dhanka waxbarashada naga caawiyay, waxaa kaloo jira dalal kale oo si tallan teel ah waxa inooo siiya, laakiin Safaaradaha ma soo dhaafaan , qaab aan la fahmi karinna waa loo bixiyaa, ayuu yiri xildhibaanku.

Dhanka Ammaanka Kaalin la ammaani karo oo ay jaamacadda Carabtu ka qaadatay ma jirto ayuu yiri mar uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyay waxtarka dhanka ammaanka ee Jaamacadda Carabtu ka fulisay Soomaaliya.

Ugu dambeyn Xildhibaanku waxa uu sheegay in haddii la dooneyno in laga faa’idaysto waxtarka Jaamacadda Carabta loo baana yahay in loo diro dadkii ku habboonaa islamarkaana fahmi karay dhaqanka iyo luqadda, taas oo keenaysa in Soomaaliya loo istaago islamarkaan waxa lala qabto.

Goobjoog News