U bood dhigaalka

Sabriye oo Ahlu Sunna Ku Eedeyey Fashilka Dhismaha Maamulka Galmudug

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaaleynta ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo  ku sugan Galmudug ayaa sheegay in maamulka Ahlusunna ay doonayaan in ay fashiliyaan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loona baahan yahay in shacabka Galmudug ay u tashtaan deegaanka.

Wasiirka oo bulshada ku nool magaalada Guriceel la hadlaayey ayaa xusay in dhaqanka madaxda iyo ciidanka Ahlusunna ay tahay mid dib u noqoshaa oo dhaawaceysa hadakii iyo hanaankii la rabey in lagu dhiso Galmudug waxaana uu yiri” Dhaqanka markan Ahlusunna Waljamaaca ka muuqdaa waa dib u noqosho,  waxaan leenahay walaalayaaloow ha bariiqanina jidfiican ayaan ku taagneen ha sababinina adinkoo waxyar laba farood ku raadinaaya inaad Galmudug fashilisaan fariinta aan idiin waday intaas ayuu nuxurkeedu ahaa”.

Sidoo kale wasiir Sabriye oo hadalkiisa sii wato  ayaa xuusay in dowladda federaalka ay wado diyaarna u tahay in lagu noqdo wadadadii lagu wada shaqeynayey, wasiirka ayaana ka digay in wax aan macno laheyn lagu dumiyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudud waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Waxaan ka shaqeyneynaa in Ahlusunna wanaaggii aan wax kuwada bilownay lagu wada noqdo ayaan ka shaqeyneynaa la fariisano tabashooyinkooda guddi iyo xildhibaanno dowlad gobaleed waxaa ay noqdaanba, madhama guddi hala igu daro iyo xoogaa xildhibaannaa hala isiiyo qiima astaahila maahan Galmudug ha lagu kala tago”.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa ka hadlay in khilaafka ay Ahlsunna wadaan ay dhaawac weyn ku tahay caasimaddii dowlad gobaledka ee Dhuusamareeb, Magaalo madaxdii Dhuusamareeb dadkii deegaanka waa ku dhaawac, Galmudug waa ku dhaawac , magaca culimanimada waa ku dhaawac  waxaan  aadeynaa in la yiraahdo Dhuusamareeb Buuh waad noo yeerteen markii hore oo waad fiicneedeen , lakiin meesha aad wax ku wadaan waan idiin kaga guurneynaa ee  adinku dhagaha ku raareysta”.

Goobjoog News