U bood dhigaalka

Sacad Cali Shire: Dib Baan u Dhignay Wadahadalladii Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa sheegtay in hadda ay dib u dhigtay wadahadalladii ay la geli lahaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliand, Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay in hadda aanu jirin duruuf saamaxeysa in ay la hadlaan dowladda Federaalka.

Waxa uu tilmaamay wasiirku in hadda muddo bil ah ay dib u dhigeen, isla markaana ay dib u eegi doonaan haddii ay mar kale duruuftu saamaxdo in la wada hadlo.

“Wadahadallada inaan la galno Soomaaliya Baarlamaanka ayaa meelmariyey, kamaynaan noqon, laakiinse waqtigan xaadirka ah daruuftii saamaxaysay in la wada hadlo ma jirto, marka bil baan dib u dhignay, kadibna waan eegi doonnaa” ayuu yiri wasiirku.

Somaliland ayaa ka gadoodsan diidmada DFS ee heshiiskii dekadda DP World, kadib markii dowladda Federaalka ay sheegtay in heshiiskaasi aanay waxba kala socon.

Goobjoog News