U bood dhigaalka

Sacad Cali Shire: Rajo wayn baan ka qabaa in Somaliland La Ictiraafo

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in rajo wayn uu ka qabo in la ictiraafo Somaliland isla markaana ay xaq tahay ictiraafka Somaliland.

“Rajo wayn baan ka qabaa, waxaan hubaa sida wadkayga aan u hubo in Somaliland la ictiraafayo, waayo waa  xaq baadil maaha, Somaliland dooni mayso wax aanay lahayn waxay doonaysaa kaliya waxay leedahay..” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Saca Cali Shire.

Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in Somaliland ay ahayd waddan madax-banaan oo waddan kale ku darsamay hase ahaatee uu Xaqsoor iyo wanaag uu ka filaayay ka waayay waddankii ay la midoobeen.

Wasiir Sacad waxaa kale oo uu yidhi; “qof walba oo aan la hadlo oo aan ka garaabin (Ictiraafka Somaliland) ma jiro, maadaama aan garowshiyihii haysano waxaa innoo xigaa ictiraafki weeye”

Ugu dambeyntii, Somaliland ayaa sannadkii 1991kii sheegtay inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale waxaana ilaa hadda ay adduunyada ka raadinaysaa in la aqoonsado wallow aanay jirin cid illaa hadda ictiraaftay.

Goobjoog News