U bood dhigaalka

Sacad Xariiri Oo Dib Ugu laabtay Lebanon

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaarihii is-casilay ee dalka Lebanon Sacad Xariiri ayaa ku laabtay magaalada Beirut, waana markii ugu horreysay uu ku laabto dalkiisa tan iyo markii uu shaaciyey inuu iska casilay xilka 4 November.

Ilo wareedyo ayaa waxay cadeeyeen in Xariiri ay garoonka ku soo dhaweeyeen qebo ka mida ciidamada Ammaanka.

Xariiri ayaa ka soo duulay magaalada Paris ee caasimadda Farnsiisk isaga oo soo maray magaalada Qaahira halkaasi oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweyne CabdiFitaax Al-siisii.

Goobjoog News