U bood dhigaalka

Sacad Xariiri Oo u Dhoofay Paris

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaarihii iscasilay ee Lebanon Sacad Xariri ayaa u duulay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska,sida uu sheegay telefishinka ay leeyihiin qoyskiisa.

Xariri ayaa beeniyey warar sheegaya inuu ku xiranyahay Sacuudiga waxaa uuna ku tilmaamay warar been abuur ah oo la iska yiri.

Bartiisa  twitterka ayaa waxaa uu ku yirir “ Wararka sheegaya inaan ku xayiranahay Sacuudiga oo aan la ii ogaleyn inaan duulo waa been”.

Sacad Xariri ayaa iska casilay xilka ra’iisulwasaarinmo 4 November isaga oo ku sababeeyay inuu u baqay naftiisa.

Arabacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii madaxweynaha Faransiiska Macron uu u fididey Xariri iyo qoyskiisa marti qaad ah inay soo booqdaan Faransiiska,ka markii qadka telefoonka ay kuwada hadleen isaga iyo dhaxal sugaha Sacuudiga.