U bood dhigaalka

Saciid Cali Muuse Oo Goobjoog Uga Warramay Qaban-qaabada, Cod-bixinta, Kor-joogayaasha Iyo Guud Ahaan Doorashada Somaliland

Sheeko:Dalka

Saciid Cali Muuse oo ah  afhayeenka guddiga doorashooyinka Somaliland oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in guddiga doorashada ka faa’ideysanayaan ardeyda jaamacadaha.

“Habkii doorashada sidaad la socotaan waxaa ka haray dhowr maalmood oo isniinta nagu soo socota hadduu eeba idmo ay ka dhaceysaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland,  howshaasi iminka waxaanu ku jirnaa oo hadda soo dhameynay tobabaradii ardadii jaamacadaha,  waxaynu soo dhammeynay dufcadii ugu horysay ee aradayda jaamacadaha maanta ayeyna ka baxeen hargeysa oo gobollada togdheer sool iyo sanaag ayey u kala baxeen.

Mar aan Saciid Cali Muuse wax ka weydiinnay diiwaangelinta doorashada waxaa uu ku jawaabay “Diiwaangalinta waxaa ay bilaabay 2016 kii bishii Janaayo,  waxayna dhammaatay bishii Semtemper, waxaana lagu xisaabtamayaa 21 degmo oo ay ka dhaceysaa doorashadu sanadkaan, goobaha laga codeynayo 21 degmo waxay gaarayaan 1,642 goobood,  goob kasta waxay noqoneysaa meel ay iskugu tagaan dadka halkaasi iska diiwaan geliyey, qofka kaarkiisa meeshuu ku qoranyahay ma ahanee meel kale kama codeyn karo. Doorashada Somaliland hal maalin ayey dhaceysaa,  waana maalinta isniinta ah ee 13 ka November 2017,  subixii illaa lixda galabnimo”

Waxaan sidoo kale Saciid Cali Muuse wax ka weydiinay korjoogayaasha caalamiga ah “Waa jiraan illaa 120 dad ka badan oo caalamiya Yurub iyo Mareykanka  iyo Africa,  ururada IGAD iyo ururada kale ee kala gedisay ee midowga Africa iyo dalalka ka daneeyo Somaliland  ayaa jooga oo intaas gaaraya,  sidoo kale waxaa jooga dad goobjoogayaal ah oo maxaliya oo iyaguna intaas ka badan ayaa jira sida aad ogsoontahay qaabka iyo qalabka aan isticmaaleyno waaa qalab casri ah oo aduunka meel doorasho lagu galo haba yaraatee aan laga heli jirin, waxaa uu adduunka dhan eegayaa oo uu isha ku hayaa qaabka uu qalabkaasi u shaqeyn karo , waxaa laga yaabaa markay tani dhacdo in wadamo badan oo Africa ah gaar ahaan wadamada Latin Americo ayaa iminka nala soo xiriiray oo daneynaya qalabkaaan.

Arrimaha Jadwalka waxaa uu sheegay “Jadwalka in badan ayaan soo wadnay  saddex sanadood oo maalintii na dhaaftaba aan saxeynay marka saacadda sidaas ayey isku garaaceysaa saacado yar oo kooban ayaa noo haray culeyskii ugu badanaa ee naga soo gaaraya howshaan, waxaa uu ahaa diiwaan-gelintii iyo kaar qeybintii oo ahaa labo mashruuc oo aad u balaaran oo lacag farabadan oo malaayiin gaareysa ku baxday .

Isaga oo ugu dambeyntii ka hadlay sida uu dareenkiisa yahay “Guddiga doorashada Somaliland waxa uu aad ugu faraxsanyahay inay howlahaas u soo dhamaadeen,  waxaa uu aad ugu faraxsanyahay inay dadka is diiwaangaliyeen,  waxaan aad ugu faraxsanahay in dadkaasi ay kaararkooda qaateen inta markaasi yar daruufo badan ayaa jiray”.

Goobjoog News