U bood dhigaalka

Sacuudiga: Boqor Salmaan Oo Amray In Dadka Qatar U Dhashay Xajka Yimaadaan, Diyaaradana Diraya

Sheeko:Dalka

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Binu Cabdi Caziiz ayaa sheegtay in laga cafiyay xujeyda Qatar u dhalatay  dhammaan waxyaabihii lagu xiri jiray sida marinta Salwa.

BoqorkaSacuudiga Salmaan  ayaa sheegay in magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar uu u diri doono diyaarado soo daabula Xujeyda u dhalatay Qatar iyada oo la sheegay in qarashka uu  bixin doono boqorka Jeebkkisa.

Wakaaladda wararka Sacuudi Carabiya ayaa waxay sheegtay in boqortooyada Sacuudiga ay u ogolaatay xujeyda Qatar in ay soo aadaan xajka,waxaana la isku furuyaa xadka ay wadaagaan labada dal.

Wakaaladda ayaa waxay intaas ku dartay in boqor Salmaan uu ogolaaday in diyaarado gaar ah oo uu leeyahay Sacuudiga loo diro Qatar si ay u soo qaadaan xujeyda,waxaana marti galin xujeydaan inta ay ku suganyihiin Sacuudiga boqorka.

Dowladda Qatar ayaa waxay ku eedeysay  Sacuudiga dabayaaqadii bishii dhamaatay in ay carqaladeyneyso arrimaha xajka si ay u soo gutaan muwaadiniinta u dhalatay Qatar acmaasha xajka.

5, June, 2017, ayey aheyd markii dowladaha Sacuudiga,Imaaraadka,Masar iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dowladd Qatar iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto Qatar.

Goobjoog News