U bood dhigaalka

Sacuudiga Iyo Faransiiska Oo Kawada Hadlay La-dagaalnka Argigixisada iyo Xaaladda Yeman

Sheeko:Dalka

Boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdi Caziiz iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka teleefoonka ku wada hadlay iyaga oo ka wada xaajooday dadaallada la-dagaalanka argigixisada iyo xaaladda Yeman.

Emmanuel Macron ayaa uga mahad-celiyey boqor Salmaan dadaalka ay boqortooyada ay ku bixineyso la dagaalanka argigixisada iyo xagjirnimada isaga oo dhanka kale eedeyn dusha u saaray kooxaha Xuutiyiinta kuwaasi oo gantaal ku soo tuuray madaxtooyada Sacuudiga.

Mr. Macron ayaa carabka u adkeeyay in laga hortago dhaqdhaqaaqyada ay Iran ka wado gobolka arrintaasi oo qal-qalgalineyso amaamnka gobolka.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay 13,December inay ku bixineyso lacag dhan 100 malyuun oo Yuura ah howlgalka ladagaalanka Argigixisada dowladaha xeebaha Afrka oo ay ka mid yihiin Mali, Mauritania, Burkina Faso, Niger, iyo Chad.

Goobjoog News