U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo 10 Milyan Oo Dollar Ku bixinaya Abaaraha Ka Jira Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Amiir Maxamed bin Nawaaf oo shirka London u matalayey dalka Sacuudiga ayaa sheegay in dalkiisa ay bixinayaan 10 Milyan oo Doolar taas oo wax looga qabanayo abaaraha ka jira Soomaaliya.

Prince Maxammed oo ah safiirka Sacuudiga ee Ingiriiska waxaa uu in badan ka hadlay dib u heshiisiinta iyo tallaabiiyinka loo qaaday nabadda iyo xasiloonida.

Kaalmada Sacuudiga ee Soomaaliya waxaa la sheegayaa in ay gaartay illaa  iyo hadda $1.2 billion, waxaa intaa dheer mashaariic kale uu dhawaan sheegay in uu ka fulin doono Soomaaliya.

Khamiistii waxaa London lagu qabtay shir Ingiriiska uu martigeliyay oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, qodobadii xoogga lagu saaray waxaa ka mid ahaa arrimaha abaaraha.

Goobjoog News