U bood dhigaalka

Sacuudiga oo $13 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xarunta gargaarka bini’aadanimada ee boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin-Abdulaziz, ayaa bilaawday wejiga labaad ee gargaarka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ka jirta gudaha Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa shaaciyay in lacag $13 milyan ay ku garab istaageyso u gurmashada dadka abaaraha ay saameeyeen in ku sugan gudaha dalka.

“Annaga oo ka duulayna awaamiirta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ah in la garab istaago dadka tabaalaysan ee dalalka walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, waxaan daah-furnay wajigii labaad ee gargaarka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Boqor Salmaan.

Dowladda ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqeyso 47.214 riyaal oo u dhiganta $12.9 milyan oo dolar oo maraykan ah.

Goobjoog News