U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Askar Looga Dilay Xadka Uu La Leeyahay Yemen

Sheeko:Dalka

Labo askari oo Sacuudi ah ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray ciidamadaan iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta ah kuwaas oo ku sugan xadka Koofureed ee kala qeybiya Sacuudiga iyo Yeman.

Warbaahinta raacsan kooxda Xuutiga  ayaa waxay sheegeen in Sacuudiga oo duqeymo la beegsada deegaanno ka tirsan gobolka Sacdah ee waqooyiga Yeman, waxaa ayna tilmaameen in iska horimaad ay ku dhexmareen labadaan ciidam meelo u dhow xaduudka Jizan ee koofurta Sacuudiga.

Waxaa xusuid mudan inay gaarayaan ciidamada Sacuudiga uga dhintay xadka kala qeybiya Sacuudiga iyo Yeman ayaa kor u dhaafaya 100 askari tan iyo bishii May ee tagtay sida ay sheegeen tiro koobyo rasmi ah.

Goobjoog News