U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Badalay Sheekada Dilka Jamal Khashoggi, “Ceeji Ayuu u Dhintay” Riyaadh

Sheeko:Dalka

Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa badalay riwaayaddii Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ee  ku saabsaneyd dilkii Jamal Khashoggi , mas’uulkan waxaa uu sheegayaa in Jamaal u dhintay wada hadal ku saabsan sidii uu Sacuudiga ugu noqon lahaa.

“kooxda wada hadal-ka wey naxeen markii hore, taasi ayaa keentay inay runta qariyaan, dhimashada Jamaal waxaa ay timid markii la ceejiyey si aanu u qeylin”.

Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ayaa October 20-keeda waxaa uu sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu Jamal Khashoggi  ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda dhex-dhexdeeda.

“Dooddii dhex martay muwaadinka Jamal Khashoggi  iyo kooxdii joogtay qunsuliyadda, waxaa ka dhashay dagaal gacmaha la iskula tagay, taas oo keentay geeridiisa” ayuu raaciyey xeer-ilaaliyaha.

Jamal Khashoggi,  ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxaa ay aheyd October 12, 2018, Sacuudiga wixii markii hore waa inkiray dilka, iyaga oo sheegay inuu qunsuliyadda lugahiisa uga baxay.

Jamal Khashoggi, waxaa uu qoraa ka tirsan Washington Post, waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday madaxa iyo tifaftiraha guud Al-carabiya.

Goobjoog News