U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Cambaareeyey Qaraxyada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa sheegtay in ay si aad ah u cambaareyneyso labadii qarax ee ka dhacay magaalada Muqdisho, hadalkaasi waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sacuudiga waxaa uu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay qaraxyada, iyaga oo caafimaad u rajeeyey inta dhaawaca ah.

Ugu dambeyntii, Boqortooyada Sacuudiga waxaa ay sheegtay sida ay u garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ay diidan yihiin dhibaato kasta nooca ay rabto ha ahaatee.

Qaraxyo sabtidii ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay 30.

Goobjoog News